Waxaa Madashaa Caana Shubka ka soo qayb galay Dhamaan Odayaasha, waxgaradka, culimada ,Ganacsatada ,Isimada , Goleyaasha  ee Xukuumada puntland iyo Dadweyne Aad u farbadan

Isimka Cusub ee Beesha Reer Cumar  ayaa ah   cabdulaahi Maxamuud Awcismaan  oo Noqonaya Baasha Cusub ay Doorteen Beesha Reer Cumar ,Baashigan ayaa ah Nin Aad looga qadariyo Bulshada dhexdeeda ahna AQoonyahan  culuumta Islaamka Aad ugu xeel dheer, Waxaana uu ka mid yahay baashaha cusub ee Reer cumar Raga Aadka Taariikhda ugu leh Bulshada Dooratay .

Isimada, waxgaradka, Odayaasha iyo cuqaasha ee madasha caana shubka ka Hadlay ayaa waxaa ay ku dheeraadeen taariikhda baashaha maanta lagu caana shubay  

Madadsha lagu caana daadinyay Baashiga cusub ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan isugu jirta Gabayo ,buraanbur, iyo caayaaraha Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sudaan siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa Isimada Dhaqanka  ayaa  u mahad celiyay Dadkii soo qaban qaabiyay & kuwii Lahaa Xulusta Isimka Cusub.

Suldaanka ayaa waxaa uu sheegay in uu Baashaha Cusub uu yahay mid u curtay ama u dhashay  Salaadiinta Soomaaliyeed.uuna garabkooda  yahay isla Markaana ay si weyn u soo Dhaweynayaan magacaabistiisa Baashigaan.

Garaad Cabdulaahi cali ciid  oo ah afhayeenka Isimada  puntland ayaa waxaa uu sheegay in ay taageersanyihiinka Baashe Cabdulaahi maxamuud Aw-cismaan ayna soo dhaweynayaan waxuuna ku la dardaarmay Beesha  ku caana shubtay baashaha in ay la shaqeeyaan Ilaahayna uu lagarab gallo xilka loo magacaabay.

Wasiira dowlaha maamul wanaaga Dowlada puntland :maxamed faarax ciise gaashaan ayaa sheegay in ay  soo dhaweynayso dowladu magacaabista iyo caana cusubka Baashaha Reer cumar.

Intii  Aanan gaarin Deegaanka Xamur ee ay ka Dhacday Xafladda Caana shubka Isimka Cusub ayaan Jidka ku arkayNoocyada Gaadiidka ee ay wateen Dadweynaha Faraha Badan ee Madasha soo Gaarayey, waxaana ka Mid ahaa Baabuurta Noocyadooda ka Duwan , Fardoolayda oo bari samaad kii ay noogu dambaysay oo saaka Deegaanka xamur Lagu  soo dhaweeyay Madaxda  Xafladda Timi,Waxaana deegaanku uu Ahaa mid Aad bilicdiisa Noo soo jiidatay sida Aad u heer saraysa ee Loo soo agaasimay Goobta Caana shubka ,

Beesha Reer Cumar ayaa in Muda ah ku howlanalanayd  soo xulista Ninka Qabandoona Xilkan Isinimo ee Baashiga loo Doortay  Ninka Baashiga Loo Doortay ayaa ah Mid Aqoon Maadi ah &  Mid Diini ahba leh.

Munaasabada Caana shuba Baashaha  Cusub ayaa kusoo Gabagabowday Jawi aad u Sareeya.

Daawo Sawiro



 
Cabdi caziiz Ibraahim Axmed (okey)
SBC International Garoowe