Munaasabada lagu Xarig Jarayay Laba Buundo oo ay horey u jareen Roobab ka da’ay Duleedka Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari Degmada Boosaaso,  Wasiiro, Agaasimayaasha Ciidamada Badda Puntland iyo Masuuliyiin ka socday Hayada Wadooyinka

Ugu horeyn waxaa Kulanka Xarig Jarka Buundooyinkan ay dayactireen Ciidamada Badda ka hadlay oo u mahadceliyay Ciidamada Badda Doorki ay ka qaateen Masuuliyiinii Kulankan Joogtay Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Galan Iyo Duqa Bosaso Xasan Cabdalla oo Sheegay inay buundooyinkan ahaayeenn kuwo muhiiim u ah isu socodka Gadiidka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Ciidamada Badda Puntland ee PMPF kuwasi oo dayactirka Gacan ka geystay iyagoo la kaashanaya Wasaarada Maaliyada ee Dowlada Puntland waxaana Magaca Ciidamada Badda ku hadlay Agaasime ku xigeenka PMPF  C/rashiid Cabas Cali oo sheegay in Ciidamada Badda ay qabteen Shaqooyin Farabadan Tan iyo markii la dhisay kuwaasi oo bulshada Muhiimad gaar ah u leh.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Gen C/laahi Axmed Jaamac oo xariga ka jaray ayaa sheegay In shaqooyinkan oo kale in la qabto lagu gaari karo iskaashi bulshada Maamulka iyo Hayadaha ka yimaada waxaana uu wasiirka Hoosta ka xariiqay in Dowladu ay siweyn ugu mahadcelineyso Dayactirkan ay Ciidamada Badda ka sameeyeen Buundooyinkan oo dumay Dhamaadkii Sanadkii Hore

Masuuliyiintan Maaanta Goobjooga ka ahaa Xarig jarka buundooyinkan ayaa waxaa ay sheegeen in Maaanta wixii ka danbeeya si rasmi ah loo isticmaalo karo iyadoona Horey gadiidka ay dhibato balaaran ugu qabeen maritaanka Wadooyinka rafka ah ee Mara Dhinaca Laaamiga

Bundooyinka la dayactiray ayaa Xilligan gaaraya ilaa iyo 3 Buundo oo laba kamid ah ay dayactireen Ciidamada PMPF waxaana sidoo kale la qorsheynayaa in dhowr buundo ooo kale Dayactir lagu sameeyo Dhawaan.

Sannadkii Hore Dhamaadkiisii ayay ahayd markii ay Dumeen Dhowr Buundo oo ku yaala wadada laaamiga ah eek a baxda Magaalada Boosaaso kuwaasi oo ay Jareen Dadaad ka dhashay Roobab lixaadleh oo ka da’ay Gobolka Bari.

DSC00151 DSC00154 DSC00157 DSC00175  DSC00192

DSC00146 DSC00162 DSC00167 DSC00185 DSC00189
SBC International Boosaaso