Wararka laga helayo Xuduuda Wadanka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay ka soo afduubteen Haweney da’a ah deegaanka loo dalxiis tago ee Manda.

Sarakiisha Dowlada Kenya ayaa sheegay in haweyneyda la afduubtay ay ahayd haweeney u dhalataya wadanka Faransiiska iyadoo aan weli si rasmi ah loo sheegin Magaceeda

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in rasaas xoogan la maqlay ka hor Afduubka haweeneyda Waxaana ay sidoo kale sheegeen in  lagu kaxeystay Dooni nooca dalxiiska ah

Ciidamada Badda ee Kenya ayaa sheegay inay ku hareereysan yihiin Haweneyda Iyo koooxda qafaalatay meel u dhow xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya ee dhinaca badda

Ciidamada ayaa sidoo kale ayaa waxaa ay sheegeen inay isticmaalayaan Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicoptarka ah kuwaasi oo ay ku ilaalinayaan Amaanka goobta Haweyneyda lagu haysto

Wasiirka Dalxiiska ee Dalka Kenya Najib Balala ayaa sheegay in kooxaa Qafaalatada ay rasaas cir u ridayaan Iyaga oo jooga Xeebta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

Afduubka Haweeneydan 66 jirka ah ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa ka dib markii 3 todbaad ka hor lagu afduubtay deegaanka afduubkan uu ka dhacay Haweney british ah taasoo odaygeedana ay dileen kooxihii afduubtay. 

Maxamed Deeq Cabdalla
Mdeeq@allsbc.com

 

Wixii ku soo korodha kala soco SBC International