Ciidmada Badda ee Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in Burcad badeeda Soomaalid auu gacantood Galay Markab nooca shidaalka qaada oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta Kaasi oo ay la socdaan 16 Shaqaale ah.

Markabka Gacanta u galay Burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu Magacaabaa MV Jubba XX, Shaqaalaha Markabka la socda ayaa waxaa ay u kala dhasheen wadamada Sri Lankan,Bangladesh, Indian, Soomaali, Kenyan,Sudanese iyo Myanmar.

Warar horudhac ah oo laga Helayo Markabkan ayaa ku waramaya in uu ku siijeeday Dekamada Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland waxaana uu ka soo kicitimay UAE

Ma jiro war rasmi ah oo laga helay Markabka ay burcad badeeda Gacanta u galay halka ay la aadeen & Xaalada Shaqaalaha Saaran

Wixii faahfaahin ah oo warkan ku soo korhda kala soco SBC International