Ciidamada Badda ee Wadanka Benin ayaa xaqiijiyay in Markab Nooca shidaalka qaada oo laga leeyahay wadanka Talyaaniga uu gacanta u galay kooxo burcad badeed Soomaali ah isaga oo Marayay meel aan ka fogeyn Biyaha wadanka Benin ee Qaarada Afrika.

Markabkan Talyaaniga ah ayaa waxaa la socda Shaqaale Gaaraya 23 kuwaasi oo u kala dhashay wadamada Filibiin, Talyaani & Romania waxaana markabkaasi laga afduubtay meel 23 Mile oo keliya u jirta Biyaha Caasimada wadanka Benin sida uu sheegay Sarkal u hadlay Ciidamada Badda ee wadankaas.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Badda ee wadanka Benin oo lagu magacaabo Maxime Ahoyo  ayaa waxaa uu sheegay inay baadigoob ugu jiraan Burcad badeeda Soomaalida ee qafaashay markabkaasi, waxaana uu sarkaalkaasi uu intaas ku daray in markabka uu soo diray fariin Gargaar dalbasho ah ka dibna ay waayeen Xiriirka Markabka
Falkan weerar ee lagu qabsaday Markab ku gooshayay xeebaha wadanka Benin ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa weeraro isdaba jooga ah oo kooxaha Burcad badeeda ay ka wadaank Biyaha Soomaaliya & kuwa Caalamka

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay shirkada talyaaniga ee leh markabkan oo ku aadan Xaalada Markabka & Shaqaalaha la socda ee ay burcad badeeda Soomaalida ka afduubeen Biyaha Qaarada Afrika.

Dhinaca kale War ka soo baxay Hayada Dhinaca Badaha qaabilsan caalamka ee IMB ayaa waxaa lagu xusay in weerarada Burcada Badda ee Galbeedka afrika ay mudooyinkan ahaayeen kuwo isa soo tarayay waxaana weerar lagu qaaday 12 Markab oo nooca Saliida qaada tan & bishii March ee sannadkan 2011.

Max’ed-Deq Cabdalla
SBC International Monitoring