Ciidamada badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa waxaa ay 14 qof oo Burcad badeed Soomaali ah oo ay dhawaan qabteen waxaa ay ku wareejiyeen Dowlada Seychellessi halkaasi loogu soo taago Maxkamad la xiriirta Danbigooda.

Kooxda lagu wareejiyay Dowlada Seychelles ayaa waxaa dhawaan ay ciidamada badda ee ingiriiska ay ka qabteen Xeebaha Badweynta India iyaga oo damacsan inay afduubtaan Dooni kaluumeysi oo maraysay Badweynta India.

Burcadan Soomaalida ee la wareejiyay ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay 13-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee January kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal uu fuliyay Markab dagaal oo lagu magacaaboFortVictoria

Dowlada Seychelles ayaa horey u diiday inay ka qabato Ciidamada badda ee Ingiriiska Burcad badeedan Soomaalida iyada oo ku dooday inaysan hayn gobo lagu hayo iyo qarash ku filan maxkamadeyntooda inkasta oo uu horey u jiray Xiriir ka dhaxeeya Ciidamada Badda ee Nato iyo Seychelles oo ku aadan inay xirto xukuntana Burcad kasta oo lagu soo wareejiyo.

Kooxda 14-ka qof ka kooban ee haatan la hayo ayaa waxaa lagu qabtay hub ay ka mid yihiin qoryaha Fudud iyo Qoriga loo yaqaan RPG Bambooyin iyo Agab kale oo ay dhamaan isticmaalaan Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ee qafaalka u geysta Gadiid badeedka Caalamka.

Burcad badeeda loo gacan geliyay Seychelles waxay ku biirayaan koox kale oo soomali ah oo mudooyinkan halkas lagu xirayay kuwaasi oo ay soo wareejiyeen Ciidamada badda ee NATO.

Maxamed Deeq Cabdalla
SBC International Monitoring