Ciidamada midowga Yurub ee hawlgalka ka wada xeebaha Soomaaliya ayaa siidaayey 18 nin oo looga shakisanaa inay yihiin burcad badeed kuwaasi oo ay gacanta ku hayeen laga soo bilaabo 6-dii bishan April.18-kan nin ayaa waxaa gacanta ku dhigey markab dagaal oo laga leeyahay wadanka Finland oo qayb ka ah hawlgalka EU NAVOR ee la dagaalanka burcad badeeda & galbinta gaadiid badeedka gargaarka & ganacsiga.Markabka Fishinka oo lagu magacaabo FNS Pohjanmaa ayaa markii gacanta ku dhigayey kooxdan waxaa la sheegay inay weerar ay ku qaadeen markab laga leeyahay wadanka Singapor oo ah nooca xamuulka oo lagu magacaabo MV Pacific Opal 5-tii bishii April ee sanadkan.Siideynta kooxdan looga shakiga qabo burcad badeeda ayaa ka dambeysay ka dib markii la waayey meel maxkamad lagu saaro iyadoo dawlada Singapore oo markabkeeda ay weerareen kooxdan ay diidey in dalkeeda la keemo ama lagu soo wareejiyo si ay u maxkamadeyso taasi oo keentey in midowga Yurub ciidamadooday ay go’aan ku gaareem inay iska siidaayaan kooxdan looga shakisan yahay burcad badeeda.Afhayeenka taliska ciidamada  EU NAVOR Paddy O’Kennedy ayaa u xaqiijiyey SBC International in siideynta kooxdan Soomaalida ee burcad badeeda looga shakisan yahay ka dib markii uu guuldareystey talaabadii lagu doonayey in lagu maxkamadeeyo.

Keyse Caamir
SBC Monitoring