Mid ka mid ah Kooxdaas ku xiran Xabsi ku yaala wadanka Cumaan ayaa la soo xiriiiray warbaahinta SBC isaga oo Magaciisa ku sheegay Jaamac Jeeni Ogos kana mid ah 38 nin oo soomaaali ah kuwaasi oo ku xiran Xabsi cumaan ku yaala tan sannadkii 2010-kii

Jaamac oo sheegay inuu horey uga tirsanaa kooxaha Burcad badeeda waxaa laga soo qabtay Xeebaha Dalka cumaan waxaana lagu xukumay Xabsi daa’im waxaase uu sheegay in xaalad adag aay xilligan ku haysto Xabsiga

Dhibaatooyinka ay kooxdani sheeganeyso waxaa ka mid ah in qaar ka mid ah ay waasheen oo xanuuno dhanka maskaxda ay ay la soo darseen halka qaar kale ay ku dhaceen jirooyin aaan la garan Karin.

Jaamac Jeeni Ogos waxaa uu sheegay in uu baaq u dirayo dowlada Puntland Dowlada Somaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta xaalada ay ku sugan yihiin inay ka samatabixiso isaga oo ka digay in noloshooda ay khatar ku jirto hadii sidan lagu sii eegto.
DHAGEYSO

Dadka lagu eedeyo Burcad badeeda ee laga qabto xeebaha badda cas iyo badweynta hindiya waxaa inta badan lagu xiraa xabsiyada wadamada gobolka kuwaasi oo qaarkood loogu geysto dhibaatooyin kala duwan.

kooxdan 38 qof ka kooban ayaa badi sheegay inay ka soo jeedaan deegaanada Puntland islamarkaasina ay qaadkood ku jiraan xaalad nololeed oo aad u xun taasi oo khatar gelin karta noloshooda.

SBC International Monitoring