Bulsha weynta Puntland ayaa siweyn u soo dhaweeyay u magacaabista Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Arimaha Amniga Puntland iyagoona sheegay in uu Khaliif yahay nin wax ka qabankara xaalada Puntland.

Waxaa ay dadku sheegeen in si aad ah ay ugu kalsooni qabaan Khaliif Ciise Mudan in uu wax ka qabandoono xaalada Amaan ee Puntland, yahayna nin aqoon u leh arimaha maamulka iyo Amaanka.

Mar aynu Microfonka SBC la dhexqaadnay dadka ayaa dhamaantood waxay soo dhaweeyeen xilka loo  magacaabay Khaliif Ciise iyagoona sheegay in ay siweyn u rajeynayaan in wasiirka cusub ee Gaashaandhiga noqdo kii wax ka bedeli lahaa xaaladaha uu dalku ku jiro, Waakan Mustafe Maxamed oo Ra’yigiisa dhiibanaya.
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/07/mustafe-shacabka.mp3|titles=mustafe shacabka]
khaliif Ciise waxa uu ka mid yahay raga sida weyn wax uga soo qabtay xaaladaha dalka, isagoo lagu xasuusto waxqabad balaaran oo uu ka sameeyay deegaanada Puntland, sida in uu dalka iyo dadkaba u soo waariday waxyaabo farabadan oo Faaiido u ah.

[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/07/faysal.mp3|titles=faysal]

Waxa ay intaasi raaciyeen qaar ka mid ah Bulshaweynta Puntland oo la hadlay SBC in markii ay maqleen Magacaabista Wasiirka cusub ee Amniga Puntland ay ku farxeen, si weyna ay u soo dhaweynayaan lana shaqeyn doonaan.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah ururada Dhalinyarada ee Puntland ayaa siweyn u soo dhaweeyay magacabista Khaliif Ciise Mudan iyagoona sheegay in Khaliif uu yahay nin ka bixikara Xilka loomagacaabay islamarkaana ay si aad ah u taageersanyihiin, waakan Gudoomiyaha Dhalinyarada IFTIN,
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/07/shacab-sax.mp3|titles=shacab sax]
U magacaabista Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Amaanka Puntland ayaa waxay  ku soo aadaysaa xili ay taagan yihiin xaalado amaan, waxaana u yaala howl culus oo u baahan Waxqabad balaaran.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso