DSC03897
Waxaa maantay Magaalada Baargaal Ka bilowday Olele balaaran oo iskaa wax u qabso ah oo ay hogaaminaayeen odayaasha iyo waxgaradka Baargaal oo  lagu qodaayo ceel macaan kadib markii ceelashii macaanaa ee horay u qodnaa baahida biyood ee magaalada buuxin kari waayeen  , iyo qaybtoodii badnyad ceelashaas  oo biyahoodii bad noqdeen sida ceelkii waynaa ee riiga ahaa iyo ceelal gacmeedyadii kale ee ku dhawaa.

Talaabadan ay bilaabeen odayaasha iyo waxgaradka magaalada oo sifiican loo soo dhaweeyay , ayaa la rajaynaayaa in lagu qodo ceel gacmeed degdeg ah si looga baxo dhibaatada biyo yaraanta ee deegaanka ka jirta , taas oo ay sababtay  abaar muddo dheer deegaanka ka jirtay

Ugu danbayntii odayaasha Shaqada Ceelka bilaabay ayaa ugu baaqay Dadwaynaha iyo ganacsatada kasoo jeeda degmada Baargaal iyo degaanada hoos yimaada iyo ahlu khayrka inay ka qayb qaataan wixii itaalkooda ah xoog iyo maal , qodida iyo dhismaha ceelka oo muhiimad weyn u leh Bulshadadeegaanka.

Sawiro DSC03910 DSC03911

Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal