Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Puntland gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa ra’yigooda ka dhiibtay xanibaada lagu soo rogay Xawaaladaha Soomaalida ee Dalkaasi Mareykanka.

Barnaamijka Nasashada SBC ee ka baxa Maalinta jimcada ah Idaacada SBC Interntional oo maanta lagu qaadaadhigayay Qodobka ah xanibaada lagu soo rogay Xawaladahaasi ayaa ay soo galeen dad aad u tirob adan qadadka telefoonka si ay ra’yigooda uga dhiibtaan, waxayna isku raaceen in arintaasi ay tahay mid caqabad ku ah qaar ka mid ah bulsha weynta soomaaliyeed maadaama, ay soo biili jireen dadkooda oo ku dhaqan halkaasi.

Waxay sheegeen in ay si weyn uga xumaadeen arintani uu ku kacay Mareykanku, islamarkaana ay tahay in saraakiisha sar sare ee Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaa kale oo ay sheegeen in dowlada Mareykanka dhacdadan ay ku dhaqaaqday ay noqoneyso mid siweyn saameyn ugu yeelata bulshada Soomaaliyeed inta eheladooda halkaasi ku sugan islamarkaana ka sugayay in ay wax soo taraan.

Qaar ka mid ah dadka ayaa si cara leh ugu dhaleeceeyay Dowlada Marekanka in aanay aheyn dhacdooyin yar yar daraadeed ay u qaado talaabadan oo kale ayna siweyn uga xumaadeen.

Maanta oo Jimce ah ayay ku eked xiligii loo qabtay in xawaaladaha Soomaalida laga joojinayo howlihii lacag dirista Soomaaliada, ka dib markii ay soo bexeen eedeymo iyo wal wal ka soo foodsaartar Bangiyada Mareykanka ee shaqada la lahaa xawaaladaha Soomaalida in lacagaha Soomaaliya loo diro ay ku jiraan kuwo loogu talagalay waxa ay mareykanka ugu yeeraan Argagixisada.

Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International News Desk