Saraakiish Ciidamada Daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag iyo dhinacyada kala duwan ee Bulshada sida Madax dhaqameedka, Duqoyda, Culimaa udiinka iyo ururada dhalinyada ayaa halkaasi ku leh kulamo gaar gaar ah oo sida la xaqiijiyay looga wada hadlayo arimaha Amaanka gobolka, difaaca gobolka iyo dhacdo dhowaan ka dhacday degmada Baran taas oo banaanka loogaga saaray saraakiil ka socday Maamulka Soomaaliland oo deegaanka qaab dhuumasho ah ku yimid .

Kulamadan ayaa dhinacyadii isugu yimid ay siweyn isku afgarteen arimaha laga wada hadlay oo u badnaa xoojin dhamaantoodna la isla qaatay islamarkaana la isugu taxlujinayo sidii loohirgelin lahaa dhamaan waxyaabaha laga wada hadlay.

Tan iyo shalay, Xalay ilaa saaka laga dareemayay Magaalada Baran xarunta gobolka Sanaag dhaq dhaqaaqa ay sameynayaan Odayaasha iyo saraakiisha ciidamada Daraawiishta gobolka kuwaas oo qaban qaabinayay kulamadan si aanay u soo noq noqon dhacdooyinka soo laalaabtay ee ay ka mid yihiin falalka uu maamulka Soomaaliland ka wado gobolkaas.

Sikastaba ha ahaatee Odayaasha Waxgaradka iyo dhamaan bulsha weynta gobolka Sanaag ayaa iyagu siweyn uga soo horjeeda dhaq dhaqaaqyada Maamulka la baxay Soomaaliland uu ka wado gobolka Sanaag iyagoona kuu sheegaya in maalin nimadii shalay oo ay ku beegneyd maalinta uu maamulkaasi u dabaal degayay xiligii uu ku dhawaaqay goosashadiisa ay wadeen banaan baxyo ay ku diidan yihiin islamarkaana ku cambaareynayaan falalka maamulkaasi .

Cawil Nadiif Suldaan
SBC International Baran.