Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Ururada Haweenka iyo Culimada gobolka Bari ayaa ku baaqay in umada Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan u gar gaarka dadka Soomaaliyeed ee ay abaarta Ba’ani ku saameysay Qeybo ka mid ah Dalka.

Barnaamijyo ku aadan qaabka loo gar gaari lahaa dadka Tabaaleysan ee ay abaartu heyso iyo sidii ay uga qeyb qaadan alaaheen bulshada oo ay qabatay Idaacada SBC ayaa dadka Boosaaso oo ra’yigooda ka dhiibanayay waxay sheegeen in ay qeybaha kala duwan ee bulshada Ganacsatada iyo intii wax heysataba ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu kacaan dadkaas tabaaleysan sidii ay u gar gaari lahaayeen.

Sidoo kale Culimada ayaa iyaguna ka uruurinayay Masaajidyada Magaalada xiligii salaadii Jimce ee maanta Gargaaro lacageed oo ay ku yaboohayeen dadka reer Boosaaso

Culimada ayaa u sheegayay dadka reer Boosaaso ee waxheysta in ay soo gar gaaraan dadkaas tabaaleysan oo walaalahood ah, ninkii kun shilin Soomaali ah ku daraana uu wax weyn u falay dadka Abaartu saameysay

Waxayna ilaahey uga baryayeen in umada Soomaaliyeed ee macluushu heyso in uu ka dulqaado dhibaatada, iyagoona Qudbadaha ku soo qaatay Arimaha Abaaraha.

Dhinaca kale Ururada hooyooyinka Ama Haweenka gobolka ayaa ka hadlayay Idaacadaha iyagoona ugu baaqaya dadka in ay maalkooda ka bixiyaan wax un ay ku gar gaaraan dadka .

Maryan Maxamed Xasan (Gaduudo) Gudoomiyaha ururka Haweenka gobolka Bari ayaa sheegtay in arintaasi ay tahay mid ku timid xaaladaha dalka ka jira iyo Roob la’aanta sanadihii ugu dambeeyay loona baahanyahay in umadu u istaagto sidii ay u caawin lahaayeen dadkaas .

Sikastaba ha ahaatee mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay warbaahinta Caalamka indhaha ku hayeen dadka Soomaaliyeed ee ay Macluusha ba’an ku heyso qeybo ka mid ah dalka iyagoona sawiro ka soo qaaday ka siidaayay warbaahinada Muuqaalka ah ee afafka kala duwan ku hadla taas oo ay umada reer Puntland siiba kuwa boosaasood ay ka damqadeen.

Keyse C/rishiid Cusmaan
SBC International News Desk