Warkan ka soo baxay Dowlada Ingiriiska eek u aadan in muwaadiniinta Britishka ah aysan tegin Deegaanada Xeebaha Kulaala ee wadanka Kenya ayaa waxaa uu yimid xilli Dhulka Kenya ee soomaaliya u dhow lagu afduubtay Muddo 3 todobaad ka hor ah lagu dilay Muwaadin British ah Xaaskiisina lagu qafaashay iyadoo 48saac ka horna lagu afduubtay Muwaadinada Faransiis ah oo curyaan ah.

Waaxda Socdaalka iyo Dalxiiska ee Dowlada Britain ayaa u sheegtay in Muwaadinteeda ay khatar balaaran oo haatan tan soo gaartay ka daran ay ka soo gaari karto hadii ay tagaan deegaanadaas.

Hadalka Dowlada Ingiriiska waxaa uu dhabar jab xoogan ku noqonayaa Dowlada Kenya oo horay wacad ugu martay inay xaqiijin doonto Amaanka dhulkeeda oo afduubyo isdaba jog ah ay ka dhaceen Muddo kooban gudaheed.

Dhinaca kalena hadalka waxaa uu tusaale cad siinayaa Wadamada kale ee muwaadiniintooda ay dalxiiska u yimaadaan Dhul xeebeedka Kenya iyadoona Kenya deegaanadaas Dalxiiska ay ka soo gasho Lacag.

Wadama Caalamka qaarkood ayaa horey cabsi uga qabay in deegaanadaas ay ka soo talaabaan Xarakada alshabaab Ciidamadooda iyadoo haatana ay ku soo biirtay cabsida Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo Wado ka dhiganaya Deegaanadaas oo ay ku badan yihiin Dadka Cadaanka ah.

Max’ed-Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com