London:-Xoghayaha gaashaandhiga Britain William Fox ayaa sheegay in howlgalada milatri ee Britain kawado Libya ay uga baxday lacag dhan 260 malyan oo lacagta pound Sterling oo u dhiganta 420 malyan oo dollar taasi oo in kabadan kalabar lagu bixiyey rasaas.

Fox ayaa tilmaamay in lacagta ku baxday howlaha ay tahay 120 malyan oo ginni halka rasaasta la isticmaalay ay gaarayso lacagta ku baxday 140 malyan oo ginni.

Xukuumadda Britain ayaa ka qeyb galaysa howlgalada NATO ay kawado Libya si loo fuliyo goob ka caagan diyaarada tan iyo bishii maarso ee la soo dhaafay.

Xukuumadda ayaa horey u sheegtay in qarashaadka aysan ka badan dooni tobnaan malyan balse wasiirka khasnadda ninka lagu magacaabo Danny Alexander ( alaksaandar) ayaa sheegay in howlgalada dalka Libya ay dowladda Britain ugu kici doonto boqolaal malyan .

Lacagta dollarka ayaa u dhiganta 0.618 ganniga Sterling.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring