Xafiiska arimaha dibada Britain ee magaciisa loo soo gaabiyo FCO  ayaa digniin ku siiyey muwaadiniinta British-ka ee ku sugan dalka Kenya ama booqanaya dalkaasi ay tagaan goobaha ay dhici karto inay kala kulmaan dhibaatooyin ayna tahay inay ka fogaadaan.

Goobaha looga digay muwaadiniinta British-ka waxaa ka mid ah deegaanada gobolka Waqooyi Beri ee ay caasimada u tahay magaalada Garisa.

Sidoo kale waxaa muwaadiniinta British-ka looga digay in hadii aanay daruuri aheyn aanay tagin deegaan xeebeedka Lamu oo ah dhul loo dalxiis tago oo ku dhaw xuduuda Soomaaliya & Kenya halkaasi oo ay ka dhaceen afduubyo loo geystey ajaaniib tamashle ku jirey kuwa kalena dil loo geystey.

Ilhaan Cabdimaalik Nuur
SBC International Nairobi.