Marwo Caasha Cismaan Caqiil oo 24 saac ka hor loo magacaabay wasiirka haweenka & arimaha qoyska dawlada KMG Soomaaliya oo maanta ay xireen xoogaga Shabaabka ee maamula degmada Balcad ayaa goor dhaweyd laga sii daayey xabsiga degmada Balcad iyadoon wax faahfaahin ah laga bixin xargeeda & siideynteeda.

Caasho Caqiil oo aan la xiriirnay isla markaana codsatey inaan wax wareysi cod ah laga qaadin ayaa u sheegtey SBC in ay caafimaad qabto oo ay joogto gurigeeda, iyadoo sheegtey inaanay raali ka aheyn xilka loo magacaabay, waxaana ay sheegtey in aanay wax war ah ka heyn xilka loo magacaabay.

Marwo Caasho waxay sheegtey in ay haatan la joogto reerkeeda & caruurteeda, iyadoo xustey inay caafimaad qabto oo aanay ka hadli karin wax intaasi ka badan.

Axmed Aar
SBC Muqdisho