Kooxda Brazil oo ka mid ah kooxaha ugu adag aduunka ee kubada cagta ayaa goor dhaweyd garbaha laga qabtey oo laga sagootiyey koobka Ameerika ee ka soconaya wadanka Argantine ka dib mucjiso rigoorayaal ah oo ay ku guuleystey kooxda Parugway.

Ciyaartan oo aheyd mid aad adag ayaa labada kooxood 90-kii daqiiqo ee loogu tala galay waxay ku soo dhamaatey 0-0 waxaana lagu darey 30 daqiiqo taasi oo sidoo kale lagu kala adkaan waayey, laakiin waxaa la isla gaaray rigoorayaal waxaana dhacdey mucjiso aan horey ugu dhicin waligeed Brazil oo aheyd ka markii afar rigoore ama gool ku laad oo ay laadeen ciyaaryahanada Brazil sida Fred & Eleno ay shabaqada banaankiisa mariyeen halka Tiago Silva laga qabtey kubadii, waxaana Parugway ay xaqiiqsatey 3 rigoore oo ay laadeen halka mid kaliya laga qabtey.

Parugway waxay ku biireysaa kooxaha u soo baxay simifinalka Urugway & Colombia, waxaana sidoo kale la sugayaa natiijada caawa ee Chili & Venuzual.

Cabdifataax Mowliid
fatahhaji@hotmail.com