Wararka ka imaanaya magaalada Oslo ee caasimada wadanka Norway ayaa sheegaya in qaraxyadii ka dhacay magaalada Oslo & jasiirada Utoyo ay ku dhinteen 12 qof iyadoo sidoo kale la soo sheegayo in dhaawacu uu gaarayo in ka badan 20 qof iyadoo magaalada Oslo qaraxa ka dhacay ay ku dhaawacmeen 15 qof kuwaasi oo qaarkood dhaawacoodu halis yahay.

Qaraxa ka dhacay Magaalada Oslo ayaa loo adeesadey baabuur laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa waxaana lala beegsadey dhisme dawladu leedahay oo ka kooban 17 dabaq kaasi oo burbur xoogani uu ka soo gaaray.

Jasiirada Utoyo waxaa lagu diley 5 qof ka dib markii nin hubaysan uu rasaas la beegsadey dhalinyaro ku jirtey damaashaadka xiliga xagaaga.

Warar dheeraad ah, sawiro & muuqaalo isha ku hay SBC.

Warar dheera