Qaraxyo waa weyn ayaa ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka gaar ahaan goob ay ka socdeen tartan orod oo loogu magac darey Boston Marathon, iyadoo qaraxyadu ka dhaceen goobtaasi xili uu soo dhamaamanay tartanka orodka.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in laba qarax oo aad u waa weyn inay ka dhaceen goobtaasi iyadoo la soo tabiyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu jira waxaana goobtaasi ku yaacay kooxaha gurmadka, ciidamada amaanka iyo waliba warfidiyeenada.

Ilaa iyo haatan waxaa la geeyey goobaha caafimaadka 60 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana jira in khasaaruhu uu isa soo tarayo.

Warkan oo faahfaahsan, sawiro & muuqaalo kala soco goor dhaw SBC Idinka EEBE.

SBC News Desk