Breaking News: Lionel Messi oo markii afaraad ku guuleystey Laacibka aduunka

Ciyaaryahanka kooxda Barcelona iyo qaranka Argentina Lionel Messi ayaa markii afaraad oo isku xigta ku guuleystey abaalmarinta caalamiga ah ee FIFA Ballon d’Or ama Ciyaaryahanka sanadka 2012 ee dunida, isagoo ka qaaday abaalmarintan xidiga ay sida weyn u xifaaltamaan ee kooxda Real Madrid Cristian Ronaldo & laacibka kale ee ay ka wada tirsan yihiin kooxda Barcelona Andres Iniesta.

Messi oo 25 sano jir ah wuxuu sanadkii 2012 ku hubsadey shabaqa 91 jeer, isagoo qarankiisa Argentine u dhaliyey 12 gool, halka kooxda Barcelona uu saxiixay 79 gool 67 kulan oo sanadkaasi u saftey labada dhinac.

Messi wuxuu jabiyey rikoorkii ay wada haysteen xidigii hore ee reer France Michel Platini ahna Madaxweynaha xiriirka ciyaaraha kubada cagta Yurub ee Uefa oo ay wadajir u haysteen min sadex jeer.

SBC News Desk

One Response to Breaking News: Lionel Messi oo markii afaraad ku guuleystey Laacibka aduunka

  1. waan taageersanahay xidiga wayn eelionel messi waxan nanleehay wuukuguulaysankaraa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII