Kooxda Argantine ee ay ku buuxaan laaciibinta caanka ah ee dunida sida laacibka aduunka ee xiligan Messi ayaa goor dhaweyd jeegada laga qabtey oo laga saarey koobka Ameerika ee ay martigalinayso ka dib markii ciyaar adag oo la isku raftey ay la ciyaartey kooxda Urugway oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee koobkan ku hardamaya.

Ciyaarta oo qaybtii hore ey gool la hormartey kooxda Urugway ka dib markii daqiiqadii 17-aad xidiga Diego Perez uu gool caaqibo leh ku hubsadey shabaqa kooxda martida loo yahay, laakiin weeraryahanka kooxda Real Madrid ee lambarka 9-ka u qaata wadankiisa Higuain ayaa kubad uu soo dhisay laacibka Messi wuxuu madaxa kula hubsadey shabaqada koxoda Urugway, sidaasina waxaa ciyaartii ku noqotey 1-1, waxaa la isla gaarey dhamaadkii ciyaarta, waxaana sida sharcigu qabo lagu darey 30 daqiiqo, balse waxba waa la isku mari waayey, waxaana loo gudbay rigoorayaal ama gool ku laad.

Ciyaaryahanka kooxda Man City Carlos Taves ayaa dayacay ama khasaariyey mid k amid ah gool ku laadyada waxaana sidaasi ay Urugway ku dhashay 5 gool oo nadiif ah halka Argantine ay xaqiijisya 4 gool oo kaliya, waxaana sidaasi lagu macsalaameeyey oo ilin kaga baxay garoonka ciyaarta reer Argantine oo sanadkan uu hogaaminayey ciyaaryahankii Batistita.

Urugway waxay fooda is galin doonaan Peru oo caawa ku soo tumay Colombia, waxaa kaloo la sugayaa Brazil & Parugway kii soo labeeya Urugway oo banaanka taagan, sidoo kale Chili & Venazuela ayaa iyaguna is haleeli doona oo la sugayaa kii soo baxa.

Cabdifataax Mowliid Xaaji
fatahahaji@hotmail.com