Shabakada Al-Qaacida ee la dagaalanta Mareykanka & xulufadiisa ayaa goor dhaweyd shaaca ka qaaday magaca hogaamiyaha si ku meel gaar ah u badalaya Cusaama Bin Ladin oo horaantii bishan ay ku dileen ciidamada Navy Seals ee Mareykanka wadanka Pakistan.

Saif al-Adel oo ah hogaamiye u dhashay dalka Masar ayaa la sheegay in uu noqonayo hogaamiyaha KMG ah ee Al-Qaacida iyadoo ay u muuqanayso in uu ka hormarey Ayman al-Zawahri oo la aaminsanaa in uu yahay ninka ugu haboon ee badalaya Cusaama Bin Ladin maadama uu ahaa ku xigeenkiisii.

Warar aan si buuxda loo xaqiijin oo laga helay ilo ku dhaw Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in Saif aanu ahaan doonin hogaamiye rasmi ah balse oo si ku meel gaar ah madax uga noqon doono hawlgalada Al-Qaacida.

Warbixin uu siidaayey Telefishinka Al-Jazeera ee fadhigiisu yahay wadanka Qadar ayaa lagu sheegay in magacaabista Saif al-Adel ay tahay mid ku meelgaar ah, sidoo kale Mustafa al-Yemeni oo aan la sheegin dhalashadiisa uu hogaamin doono hawlgalada Al-Qaacida, isagoo badalaya Saif al-Adel oo horey booskaasi u joogay.

Xeerbeegtada Mareykanka ayaa ku eedeynaya Saif al-Adel in uu ka mid ahaa hogaamiyeyaasha rasmiga ah ee sida weyn uga qayb qaatey weeraradii qarax ee ka dhacay magaalooyinka Nairobi & Derasalam sanadkii 1998-kii.

Sidoo kale waxay sheegayaan in ninkaasi uu ka aasaasay xerooyin tababar oo lagu tababaro Al-Qaacida wadamada Suudaan & Afgaanistaan.

Saif al Adel waxaa kale oo uu leeyahay magacyada  Muhammad Ibrahim Makkawi, Ibrahim Al-Madani , Omar al-Sumali wuxuu u dhashay Masar, xiliga uu dhashay waxaa ku jira shaki taariikh ayaa qoraysa 1960 halka ay jirto mid kale oo sheegaysa 1963-dii, laakiin 11-ka April ayaa la hubaa oo ah bisha iyo maalinta uu dhashay.
Saif al Adel wuxuu ka tirsan yahay golaha shuurada Al- Qaacida (majlis al shura of al-Qaeda) sidoo kale wuxuu xubin ka yahay gudiga military-ga ee Al-Qaacida, waxaa la sheegaa in uu ku lug lahaa weerarkii lagu diley madaxweynihii hore ee Masaarida Anwar Al-Saadaat, waxaa jirta warar sheegaya in uu kaalin weyn ku lahaa tababarida & u gudbinta wararka sirdoonka  kooxaha Islaamiyiinta ee wadamada Masar, Afgaanistan, Sudan & Somalia.

Warar dhanka sirdoonka ayaa sheegaya in uu ka qayb qaatey dagaalkii Muqdisho ku dhexmarey ciidamadii Mareykanka & xoogagii daacada u ahaa Jen. Caydiid sanadkii 1993-kii inkastoo aanay jirin cadeymo arimahaasi xaqiijinaya. 

Warar kale ayaa sheegaya in uu ka aasaasay deegaanka Raaskambooni ee ku dhaw xuduuda Soomaaliya ay laleedahay Kenya xero lagu tababaro kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya.

Halkan ka akhri warbixin SBC shaley ka qortey cidii badali laheyd Cusaama Bin Ladin

Kala soco SBC maalmaha soo socda taariikhda Saif al Adal oo faahfaahsan hadii ALLE idmo.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com