Qaar Kamid Ah Dadkii Ka soo Barakacay Dagaaladda Dalka Yemen Ayeey Maanta U Ambabixiyeen Gudiyada Ku howlan Soo dhaweynta dadkan oo ah gudiyo ku shaqeynaya Tabaruc waxaana Dufcafdii ugu horeysay oo ka kooban 60 qof oo ay ku jiraan caruurta Qoysaska la qaaday ka qaaday Xarunta Nasashada ee Dadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka imaanaya Dalka Yemen Ay Shirkada Isgaarsiinta Golis Telecom Soomaaliya oo Bixineysay Qarashaka Dadkani ku Gaarayaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada ah iyo Gobolada Kale ee ka sokeeya Maadama Dadkani ay Dalbadeen inay Dib ula midoobaan Eheladooda oo Degaanadaas ku sugan.

Gadiidka Basaska ah ee ay Dadkani raacayaan ayaa loogu keenay Xerada Dhexdeeda iyadoo lagu daabulay Dhamaanba Agabki ay wateen sida uu sharaxayo Sheekh Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur oo ah Madaxa xiriirka Bulshada ee Shirkada Golis.

Talaabadan ay Shirkada Golis ku qaadeyso ku dhawaad 60-kan qof oo iskugu jira Caruur Haween Da’ah iyo Ragii dhalay Caruurta Qaarkood ayaa noqotay Shirkadii ugu horeysay ee Gaar loo leeyahay oo Dadkan  ka qaada Xerada Nashada Qaxootiga Yemen ka imaanaya

Geesta kalena Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee Dowlada Puntland C/laahi Qobdeero oo ah gudoomiyaha Gudiga Gurmadka ee Dowlada Sheekh Axmed Yuusuf Daad Gudoomiyaha Gurmadka ee Shacabka iyo C/fataax Maxamed Sugule oo ka tirsan gudiyada Shacabku sameeyeen ayaa Geestooda Taalbadan Amaanay uguna Baaqay in Dadkan Wax lala soo garo Maadaama ay yihin Muwaadinin Soomaaliyeed

Baaqyada Ka imaanaya Gudiyada Howshan ka shaqeynaya ka sokow Qof walba oo dhex taga Xeradan waxaa uu la kulmayaa Dareen ka duwan Kan muuqaalka aad ka Aragto Caruur Xanuunsan Waalid Da’ah Ilmo aan waalidkii la socon Jawiga Boosaaso oo aad u kululna waxaa uu Xaalada ka sii dhigayaa mid Cakiran Caruurta Qaar qoraxda oo aad u kulul waxay ku dhex lugeynayaan xarada waxaana ka dhalan kara xanuuno kala duwan ,
Daawo Sawiradda:

IMG_6635 IMG_6724 IMG_6722 IMG_6721 IMG_6719 IMG_6716 IMG_6713 IMG_6708 IMG_6707 IMG_6706 IMG_6700 IMG_6691 IMG_6686 IMG_6683 IMG_6682 IMG_6681 IMG_6680 IMG_6679 IMG_6678 IMG_6677 IMG_6676 IMG_6675 IMG_6674 IMG_6673 IMG_6672 IMG_6671 IMG_6670 IMG_6669 IMG_6668 IMG_6667 IMG_6666 IMG_6665 IMG_6664 IMG_6663 IMG_6662 IMG_6661 IMG_6660 IMG_6659 IMG_6658 IMG_6657 IMG_6656 IMG_6655 IMG_6654 IMG_6653 IMG_6652 IMG_6651 IMG_6650 IMG_6648 IMG_6647 IMG_6646 IMG_6645 IMG_6644 IMG_6643 IMG_6642 IMG_6641 IMG_6640 IMG_6639 IMG_6638 IMG_6637 IMG_6636