Dab qabsaday mid ka mid ah Aqalada Kaam ku yaalla Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay Afar Qof oo isku qoys ah.

Qoyska Saddex  ka mid ah Qoyska ayaa kala ahaa Hooyada, seygeeda iyo Wiil ay dhaleen, halka Qof uu la dhashay Hooyada Reerka.

Lama oga ilaa hadda waxa rasmiga ah ee uu ka dhashay Dabka. Hay’adaha ammaanka oo tagay halkaasi ayaa sheegay in ay wadaan baaris dheeri ah.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Oo la Hadlay Saxaafada Ayaa U Sheegay in Ay Wadaan Baaritaan Ku Aadan Sida ay wax udhaceen Iyo Cidda ka danbeysay Falkan.

Dad Badan ayaa ka arga gaxay dhacdadaan naxdinta badan ee ka dhacday kaamka “Konton iyo Shanaad” Oo Kamid Ah Xeryaha Dadka Soo Barakacay ee ku yaalla magaaladda Boosaso.

Daawo sawirada:

0 48 58 76 103 117 118 134 144 172 310