Boqorada wadanka Natherlands ama Holand (Beatrix Wilhelmina Armgard Queen Beatrix  ayaa waxaa ka soo harey indho taag taag & yaab ka dib makrii nin aan la aqoon meel uu ka yimid uu si hal haleel ah uu hadalo toos ah ugu jeediyey xaflad ay ka qayb galeysay.

Queen Beatrix ayaa ka qayb galeysey xaflad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaase xafladii intii aanay bilaabay oo lagu soo dhaweeyey sacad & istaag, hal mar microphone-ka dafey nin ku labisnaa dhar suit ah oo madow waxaana uu bilaabay khudbad uu u jeedinayo boqorada.

Ninkan ayaa sheegay in uu yahay waa sida hadalka uu yiri qof ILAAH u adeegaya, wuxuuna isku tilmaamay in uu yahay Nabi Ciise CS isagoo ugu baaqay boqorada inay jidka wanaagsan qaado oo ay ILAAHAY ka cabsato, waxaana ninkaasi uu intaasi sii raaciyey in hadalo badan oo uu jeediyey dhagaha lafa fureysay oo laga dhageysan waayey.

Intii ninku hadalka ku jirey ayaa waxaa goobta masraxa ee uu ka jeedinayey khudbada ka cararay koox music boqorada u tumi laheyd, hase yeeshee ninkaasi ayaa dadkii u gacan haatiyey waxaana uu ku yiri “Iska jooga ha cabsanina anigu wax bam ah ma wato” waxaana ninkan oo ku hadlayey luuqada Dutch-ka isla markiiba ku soo yaacay kooxdii xaflada maamulaysay waxaana isla markiiba loo gacan galiyey kooxo Booliis ah.

Moyor-ka magaalada Amsterdam  Eberhard van der Laan ayaa u sheegay wargeyska The Ducj News in ninkan uu caan ku yahay in uu carqalad ku sameeyo xafladaha, isla markaana haatan loo direy meelaha lagu dabiibo dadka miyirka la’a.

Dhacdadan oo warbaahinta caalamku si weyn u hadal hayso ayaa waxaa qosolku yahay sida boqoradu u anfariirtey isla markaana ninka hadalkiisa ay u dhuuxaysay, iyadoo kaamirooyinku qabteen iyadoo horey u soo ruqaansanaysa isla markaana dhagta u raaricanaysa ninku waxa uu leeyahay.

Link-ga hoose ee Video Player-ka daawo sheekadan qosolka & yaabka ku reebtey boqorada Holand.
HALKAN RIIX

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@gmail.com