Boqor Burhaan Boqor Muusse ayaa hoygiisa magaalada Boosaaso qado sharaf ugu sameeyey culimo soomaaliyeed oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa isaga kala timi ,
kuwaas oo Masjid Rowda ee magaalada Boosaaso ku qabtay Nadwado sanadle ah oo la qabto , taas oo noqonaysa nadwadii 15-aad.

Culimada uu Boqorku casumay ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Daahir Aw-Cabdi ,Sheekh Axmed Daahir ,Sheekh Dr Aadan ,Sheekh Abdiwahaab Ibraahim Isxaaq ,Sheekh Dr Xassan Sheekh Cali Warsame ,Sheekh Axmed Cabdisamad ,Sheekh Maxamed Macalin ,Sheekh Bukhaari ,Sheekh Maclin Mowliid ,Sheekh Axmed Faarax Gaas, Sheekh Fuaad Aflow ,Sheekh Axmed Yuusuf Daad , Sheekh Faarax Cajab iyo ,Ganacsato , Waxgarad iyo masuuliyiin kale.

SAWIRRO :