Iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey la hadal hayey in xarakada Al-Shababa ay ka garab dagaalamayaan muhaajiriin ajanabi ah oo Jihaad doon ah ayaa waxaa la shaaciyey in in ka badan 300 oo u dhashay dalka Kenya ay ku sugan yihin gudaha Soomaaliya kuwaasi oo ka qayb qaadanaya sida laga sheegay dagaalada ka socda Soomaaliya.

Nin magaciisa lagu soo koobay Suleymaan oo ka mid ah muhaajiriinta ajanabiga ah ee Soomaaliya una dhashay dalka Kenya ayaa shaley banaanbax ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuu ka jeediyey khudbad uu ku jeediyey luuqa Sawaaxiliga wuxuuna qiray in 300 oo Kenyaati sida uu sheegay Jihaad doon ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Suleymaan oo wajiga ku daboolay cimaamad oo indhaha oo kaliya ka muuqdeen ayaa sheegay in sidoo kale in dagaalyahano u dhashay Ugandha, Tanzania, Burundi iyo wadamo kale ay ka qayb qaadanaan sida uu sheegay dagaalka Jihaadka ee Soomaaliya ka socda.

Suleymaan oo ka hadlayey ciidamada Kenya ee gudaha u soo galey Soomaaliya wuxuu farta ku fiiqay in ay yihiin sida hadalka uu u dhigay cadowga ALLE oo aanay aheyn walaalo isagoo xusey in si la mid ah ciidamadii Mareykanka & Itoobiya ee Soomaaliya xooga looga saarey in iyagana xoog looga saari doono.

Link Video-ga hoose ka daawo Suleymaan oo Kenyaati oo ka hadlaya arintan.HALKAN RIIX

Ilhaan Cabdimaalik Nuur
SBC International Nairobi.