Waxaa maaanta munaasabad loogu qabtay xarunta Jaamacada PSU ee magaalda Garoowe100arday ku guulaystay waxbarasho lacag la’aan ah.

Boqolkan arday ayaa ku guulaystay waxbarasho lacag la.aan ah oo ay bixisay dowlada Talyaaniga oo soo marisay hayada UNDP waxaana ay baran doonaan mudo lixbilood ah cilimiga computer iyo maamulka xafiisyada  waxaana ay ku soo baxeen todobo boqol oo aday oo imtixiin u galay waxbarashadaasi lacag la.aanta ah.

Xaflada furitaanka oo lagu qabtay xarunta Jaamacada PSU  waxaa  ka hadlay madaxda Jaamacada iyo saraakiil ka soctay hayada UNDP oo bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya mudada ay waxbarasha ku jiraan ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho ee ka timi dowlada Talyaaniga  .

Gudoomiyaha Jaamacada PSU Maxamud Sheikh Xaamid oo madasha hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ay aad u nasiib badan yihiin ardayda ku guulaystay  waxbarasha lacag la.aanta ah isla markaana ay shaqooyin heli doonaan marka ay dhamaystaan waxbarashadooda  balse loo baahan yahay in lixdaa bilood ee waxbarashadu socoto ay ka faaidaystaan  waxaana uu intaas ku daray in yartahay in la helo waxbarasho lacag la.aan ah iyada oo lacag loogu darayo.

Crisaaq Xuseen Aadan oo ka mid  saraakiisha hayada undp  ayaa dhankiisa  umahad celiyey Jaamacada PSU  waxaana uu ardayda kula dardaarmay in in ay ka faaidaystaan waxbarashadaasi lacag la.aanta ah maadama ay iyagu yihiin boqolka arday ee fursada helay shantii boqol oo arday ee imtixaanka gali taanka u fariistay  ayna tahay fursad muhiim ah waxaana uu intaas ku daray in lacagta ku baxaysa mudada lixda bilood ah ay bixisay dowlada Talyaaniga oo soomarisay hayada UNDP.

Qaar ka mid ah ardayda helay waxbarashada lacag la’aanta ah oo dareenkooda ka hadlay ayaa sheegay in ay si wayn ugu faraxsanyihiin  waxabarashada lacag la.aanta ah ee ay bixisay dowlada talyaanigu ayna ka faaidaysan doonaan  iyaga oo ugu mahad celiyey dowlada Talyaaniga .hayada UNDP iyo Jaamacada PSU oo iyadu wax baraysa ardaydaasi.

Waa markii ugu horaysay oo waxbarasho lacag la.aan ah oo ay bixisay dowlada talyaanigu  laga fuliyo magaalda Garoowe ee caasimada dowlada Puntland.

Daawo Sawirada





Maxamed Siciid

SBC International Garoowe