300 ee qof ee maanta laga anbabaxiyay Xerada lagu soo dhaweyo dadka soomaaliyeed ee ka soo cararaya colaadaha Dalka Yemen waxaa ambabixintooda gacan weyn ka geystay Shirkada Isgaarsiinta Golis Telecom Soomaaliya oo hada ah hormudka koowaad ee ambabixinta dadkan.

ku dhawaad 10 bas oo ah noca safarada u baxa ayay shirkadu u kireysay dadkan iyadoo sidoo kalena siisay lacag jid mar ah oo qoys walba loogu dhiibay abaaha ama hooyada ilmooleyda ah ee la socota qoyska

Dhamaan dadka Maanta la qaaday ayaa u badnaa hooyooyin wata caruur yaryar oo iyo aabayaal qaar oo wata caruur hooyinkood geeriyoodeen iyo qaar looga soo tagay yemen Duruufo dhaqaale Dartood waxaana Dhamaan ay u socdaaleen Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Kale ee Dalka Soomaaliya

Intii ay socotay Howsha Ambabixinta Dadkan ee shirkad Golis Waxaa Xarunta Yimid Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis Siciid Aadan iyo qaar ka mid ah Masuliyinta shirkada Kuwaas oo Dareenkooda Muslinimo iyo Somalinimo la qeybsanaya Walaalahood dhibaateysan ee la amababixinayo

Qaar ka mid ah Dadka Maanta Baxayay Ayaa wariyaasha ay Microphone-ka la dhexqaadeen iyaga oo Dareemaya Faraxad Maadaama ay adayaan Deegaanoodi iyo inay u tegi doonan Eheladooda.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur Hogaanka Xiriirka Dadweynaha ee Shirkada Golis ayaa warfideyeenka la hadlay Marki si rasmi ah loo sagootiyay Dadkaas baxayay isaga o faahfaahiyay Ambabaxinta Golis ee Dadkan

Geesta Kalena Wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha ee Puntland C/laahi Xaashi Qoobdeero ayaa geestiisa Waxaa uu sheegay Talabada Golis Qaaday inay Tahay mid ku dayasho mudan in Hal Shirkad ay Tirada intaa le’eg qaado waxaana uu baaq u diray Maamulada Deeganada ay sii marayaan Dadkan.

Xerada 300 ee qof maanta laga qaaday waxaa ku haray in ku dhow 700 oo kale oo u baahan gurmad qaadis waxaana la qorsheynayaa in shirkado iyo Hayado kale ay iyana u qaadaan Dadkan Deegaanadoodi

DAAWO SAWIRRO:
IMG_7060 IMG_7091 IMG_7090IMG_7089 IMG_7088 IMG_7083 IMG_7082 IMG_7081 IMG_7078 IMG_7077 IMG_7075 IMG_7074 IMG_7071 IMG_7070 IMG_7069 IMG_7068 IMG_7067 IMG_7066 IMG_7065 IMG_7064 IMG_7063 IMG_7062 IMG_7061IMG_7128IMG_7152IMG_7162IMG_7165IMG_7174IMG_7180