Culimad udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalaa Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa Xalay ku qabtay masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso kulan loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Culimad udiinka Soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamay mid cadownimo ah oo aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta Islaamka waxaan ay cod dheer ku sheegeen in shacabka Soomaaliyeed ee gacanta is qabsadaan ayna u midoobaan cadawgooda.

Kulanka Xalay ka dhacay masjidka rowda ee loogu gurmanay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho ayaa culimadu waxay Xalay oo ahayd habeenkii 1aad ee ololaha ku ururiyeen in ka badan $100,000 oo lagu taageerayo walaalahood dhibku ku dhacay.

Ololaha Gurmadka Xalay ayaa waxaa ka qayb qaatay shirkado, ganacsato, Maamulka Gobolka bari , Wasiiro, Jaamacadda bariga Afrika iyo weliba Madaxweynaha Puntland Dr. cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo Jeebkiisa Lacag kaga deeqay.

Ololaha Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho oo caawa ka bilowday masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso, ayaa waxaa la aruuriyry lacag ka badan $100,000, sidan ayayna kala ahayd lacagaha lagu yaboohay:

1- Dahabshiil group : $ 30,000 (Sodon Kun oo Doolar)
2-Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas: $ 10,000 (Tobon Kun oo doolar)
3- Shaqaalaha shirkada golis: $ 10,000 (Tobon Kun oo Dolar)
4- Xubno ka kooban wasiiro, gudoomiyaha gobolka Bari, gudoomiyaha degmada Boosaaso : $ 10,000 isku daray (Tobon kun Oo Doolar)
5- Jaamacada Bariga Afrika: $ 5000 (Shan Boqol oo Doolar)
6-Shirkada Al-Fadli: $ 5000 (Shan Boqol oo Doolar)
7- Shirkada Al-Najax: $5000 (Shan Boqol oo doolar)

Ololaha Gurmadka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanada Puntaldn oo dhan waxaan iadaacaddaha , Iskuulada, goobaha ganacsiga ,jaamacaddaha , Macaahidda , ka socda lacag aruurin loo sameeyanayo walaalaheen Soomaaliyeed ee lagu laayay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sh Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee jooga
dalka Soomaaliya iyo weliba Jaaliyaadka dibada in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan walaalahood Soomaaliyeed ee dhibku gaaray.

Sh Daahir Aw-cabdi ayaa sidoo kale uga mahad celiyey dowladda Turkiga sidda muga leh e ay markiiba ugu soo gurmatay shacabka Soomaliyeed ee Muslinka ah ee lagu xasuuqay is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan ayaa la filayaa inuu Caawa ka sii socda Masjidka Rowdo ee Magaalada Boosaso, Waxaana Toos looga daawan Doono hadii Alle Idmo Tv-ga SBC oo idiin soo Tabin doona.

Accoun-nada Gudiga.

1- Amal bank: 1012173233
2- Salaam bank: 80267893
3- Dahabshiil: 103103200
4- Sahal: 6474242, A/c 475445