Boosaaso oo maanta laga xusay sanad guuradii 14 ee aasaaska Puntland

Subaxnimadii saaka ayaa ay ahayd subax ka gedisan maalmaha kale taasoo si wayn boosaaso guud ahaanteeda laga xusayay sanad guuradii 14 aad ee ka soo wareegatay Markii dhidibada loo taagay dowlada puntland 1 Ogost xilligaas oo boosaaso ay noqotay meel ay Shacabka soomaaliyeed ay u soo shaqa tagaan iyagoo bidaya nabadgalyo taam ah .

Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha kala gedisan ee magaalada boosaaso iyo masuuliyiinta degmada boosaaso ayaa socod dheer ku soo maray wadooyinka faras Magaalaha kuwaasoo ku labisnaa dhar midabkiisu uu ahaa calanka ama astaanta puntland.

Ka gadaal socodkaas ayaa la isugu yimid hoolka shirarka ee dawlada hoose shacabkii iyo Masuuliyiintii ku sugnaa magaalada waxaana goobta munaasabada ka muuqatay sawiro iyo qoraalo ka tarjumaya nabada iyo horumarka ay puntland ku talaabsatay iyagoo sidoo kale ay halkaasi ku sugnaayeen fanaaniinta xidigaha gobola bari oo iyaguna soo bandhigay ruwaayado qeexaya horumarka puntland iyo sida ay shacabka ugu heelanyihiin qaranimada soomaaliyeed.

Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo u mahadnaqay ka qaybgalayaashii munaasabada ka dib waxaa uu ka hadlay xaaladihii Kala duwanaa ee dalka uu soo maray gaar ahaan dhismihii puntland waxaana uu shacabka ka codsaday in loo duceeyo isimidii iyo siyaasiyiintii ka qayb qaatay dhisida Puntland ee geeriyooday gaar ahaan Madaxwenihii hore ee soomaaliya iyo puntland Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiye xigeenka gobolka Bari ahna kusimaha gudoomiyaha Yuusuf Muumin Bide oo isagu si aad ah ugu dheeraaday ahmiyada ay shacabka puntland ay u leedahay maalinta 1 ogost taasoo uu ku xoojiyay in puntland ay Qaan gaarkeeda uga dhiman tahay mudo sanad ah lana rajaynayo in loo talaabsado sanadka soo socda horumar dhan walba ah oo laga guurayo nidaamka beelaha loona guurayo nidaam xisbiyadeed.

Ugu danbayntii waxaa sidoo kale si wadajir ah xafladaasi uga hadlay gudoomiyaha ururka haweenka gobolka bari Maryan Guduudo Gudoomiyaha nabadoonada gobolka bari Cabdiqaadir Axmed Xarago iyo Madaxa arimaha bulshada golaha deegaanka Degmada boosaaso Xildhibaan Cabdi Nuur Galaydh.

Sawiro


Maxamed Cali Iimaan
SBC International Garoowe 

Daalacatey :1410

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print