Ciidamada amaanka dalka Koonfur Afrika ayaa kala raacdeeyay isku soo bax ay sameeyeen Ssoomaalida ku nool xaafada Bellville ee magaalada Cape Town ee Koonfur Afrik.

 Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay doonayeen in banaanboxooda ay ku cabiraan sida wanaagsan ee ay u taageersanyihiin in uu Ra’isalwasaare Farmaajo xilka sii hayo isla markaana ay ka soo horjedaan go’aan dhawaan ka soo baxay magaalada Kampala ee wadanka Uganda.

Booliska ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in lagu muujiyo isu soo bax waxyaabaha ka dhacayo gudaha Soomaaliya maadaama halkan ay tahay Koonfur Afrika oo aysan shuqul isku leheen Soomaaliya.

Booliska ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah Soomaalidii banaan baxayaasha oo la qabtay, ka dib markii ay amar diido sameyeen, sidoo kale booliska ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiiso ka dib markii Soomaali badan ay isku soo xoomeen oo booliska uu xakameyn waayay.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa la geeyay isbitaalka sida ay inoo xaqiijiyeen horjoogayaasha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika.

Banaan baxaan ayaa wuxuu daba socday banaan baxyo labadii maalin ee u dambeeyay ka dhacay Johannesburg iyo Port Elizabeth.

Sharciga dalka Koonfur Afrika ayaa ah in aan la isku soo bixi karin ayadoon ogolaasho laga heysan waaxda amaanka, Soomaalidana wax ogolaansho ah ma heysan taas ayaana keentay in la hor istaago sidaa waxa yiri qareen u doodo arimaha qaxootiga.

 Saadaad ahmed gobey
sadaamg@gmail.com
SBC Cape town-Koonfur afrika