Booliska koonfur afrika ayaa gabi ahaanba ku tilmaamay qaabkii ay soomaalida ugu dabaal dageen madaxweynaha cusub ee soomaaliya wax ka baxsan qaabka dabaal dagyada iyo isu soo baxa loo abaabulo .
Booliska ayaa sheegay in aysan sharci eheyn dalka koonfur afrika in shacabka dhexdiisa baabuur lagu dhexwado ayadoo aan laga fiirsan qasaaraha ka dhici karo, sidoo booliska oo aan wax tix-galin ah la siin, iyo wadooyinka oo sidii sharciga eheed aan loo isticmaalin.
Habeenkii talaadada dalka koonfur afrika waxaa ku dhintay ku dhowaad 10-qof oo siyaabo kala duwan ugu dhintay magaalooyinka johansberg iyo cape town oo ay iskugu soo bexeen soomaali aad ufara badan oo muujinayay qiiradooda ku saabsan hogaanka cusub ee soomaaliya walow uun booliska soo dhowen arimahaas.
Dhanka kale booliska ayaa dambi k tilmaamay wixi halkaasi ka dhacay, maadaama aanan wali la heyn dadkii sameeyay dambika ula kaca ah sida darawalkii gabadh wadada mareysay baabuurka ku dhuftay oo cararay iyo wiilkii jabiyay dhalada hore ee gaarigii booliska iyo waliba bistooladii laga dafay booliska.
Dhanka kale waxaa ilaa hada laga warqabaa in ay ugu yaraan sadax qof ku geeriyaatay isbitaalka magaalada cape town oo uu ka midyahay wiil baaburkiisa shil ku kalay .
26-jirkan ayaa ahaa wiilkii ugu horeeyay ee ka dhaga adeego booliska asagoo baaburkiisa ku xardhay sawirada maxadweyne xasan shiiq maxamuud, halka ninka kale uu asagana dhaawac u dhintay .
Dhanka kale waxaa la mid ah magaalada johansberg ee dalka koonfur afrika oo ay ku dhinteen shan qofood xaafada my-fair oo ah xaafada ay soomaalida dagdo.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in soomaalida kala duwan ee kunool dalkan ay si wanaagsan ula dheceen qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxweynenimada soomaaliya, ayagoo soo dhoweeyay madaxweynaha cusub ee dalka.
Saadaad ahmed gobey,
sadaamg@gmail.com
cape town-koonfur afrika.