Saxaafada waxaa maalmihii ugu dambeeyey dhex sabaynayay sawiro la sheegay in laga qaaday dad Soomaali ah oo sheegtey inay yihiin Kirishtaan (ALLAHUMA Najeynaa) kuwaasi oo wajiga ku qarsadey calaamada Kirishtaanka & waliba buuga ay kibaabka Bible-ka u yaqaanaan dadka Kirishtaanka.

Sawiradan ayaa baaritaan aan ku sameynay waxaan ku ogaanay markii ugu horeysay inay baahisay wakaalada wararka ee AP ee laga leeyahay wadanka Mareykanka waxaana sawiradaasi oo ku jira booga wakaaladaasi ku xusan in uu qaaday sawir qaade Soomaali ah sida ka muuqata magaciisa.

Dadka sawirada laga qaaday oo wajiyadooda qarsadey sababo ay u muuqato amaankooda waxaa faahfaahinta sawiradaasi lagu qoray inay yihiin koox maalin kasta sida ay sheegeen salaad dhex tukutada qol xiran oo ku yaal magaalada Muqdish,  waxaana ay sheegeen in saaxiibo badan oo ay lahaayeen lagu diley Soomaalida.

Kooxdan waxay sheegeen in ilaa iyo 200 oo ay isku asxaab ahaayeen loo diley sida ay sheegeen wax ay diinta ahaanta u aaminsan yihiin.

DAAWO