Munasabadan oo ahayd mid lagu caleemo saarayay Nabadoon Axmed Jibriil Shirwac  .kana so jeeda beesha  Reer Tabale ee Cabdirixmaan Maxamed Harti  ayaa waxaa ka soo qayb galay Isimo,Wax garad .Nabadoono ,Ganacsato,Mamulka Degmada Qandala,iyo Mas.uliyiin kaloo badan waxayna ka dhacday Hoteelka Karaama,2,oo kuyaala Gudah Magaalada Boosaaso .

Ugu horayntii waxaa munaasabada lagu furay aayadah quraanka ah ,kadib ayaa waxaa halkaa ka hadlay oo ka war bixiyay munaasabada ,Jaamac Xaaji Aadan oo isagu sheegay in sababta munaasabada loo qabtay ay tahay in loogu caano shubo Nabadoon Axmed Jibriil Shirwac  oo uu sheegay in beeshiisu ay mar hore uu dooratay nabadoon hase ahaatee uu hada loogu caano shubayo .isagoo sheegay in uu Nabadoonku waxbadan uu soo qabtay hadana ay ka sugayaan in badan oo hawla ah uu utaal in uuu guto oo aan ku eken beeshiisa oo kaliyah lakin uu nabadoon u yahay umada soomaaliyeed isagoo sheegay in Beesha tooratay ay deegaan Gobalka Bari isagoo ugu danbayntii sheegay inay ku soo dhaweenayaan marwalbana ay garabtagnaan doonnan .

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Hiirad Siciid Cismaan oo isana sheegay inay aad ugu farxasan yihiin nabadoonka ya maantay ku caano shubeen isla markaana ay garab taagnan doonnan isagoo mahad balaaran u jeediyay Isamadii mNabadoonadii Uqaashii,iyo dhamaan ka soo qayb galayaashii Munaasabada.

Waxaa goobtaa Munaasabada Caano shubka ka hadlay Wax garad aad u badan iyo Nabadoono ,waxaana ka mid ahaa Gudoomiyah Nabadoonada Gobalka Bari,Nabadoon Xaeako.oo isagu sheegay in wax lagu farxo tahay in beesha tabale ee daga Goablka bari ay yeeshan Nabdoon  iyaguna ay soo dhaweenayaan isagoo sheegay in ay rabaan haday Nabadoonada yihiin in wax garad uu ku soo biiri isagoo dhamaan mahad u jeediayy ka sooq ayb galayaashii munaasabadaas.

Isna waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyah Degmada Qandala oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay caano shubka nabadoonka isla markaan uu ka mid yahay nabadoonku wax garadka degmada qandala isagoo sheegay in ay mar walbada diyaar u yihiin inay la qayb sadaan wax walba oo la soo gudboonada haday mamulka yihiina ay arinkaa sooo dhaweenayaan.

Ugu danbayntii waxaa halkaa ka hadlay soona xiray munaasabadii Nabadoon Axmed Jibriil Shirwac  oo ahaa Nabadoonkii la caleema saaray isagoo ugu horayntii mahad aan la koobi karin u jeediyay  Isimadii,Wax garadkii ,Nabadoonadii ,Ganacsatatadii iyo ,Mamulka Degmada Qandala oo uu sheegay in uu uga baahan yahay inay tageeran isaguna uu wax walba diyaar u yahay in uu u qabto beeshiisa iyo beelah kale ee soomaaliyeed gar ahaan reer Puntland.

Nabadoonka ayaa wax uu noqonayaa Nabadoonkii ugu horeeyay ay yeeshan beesha  Reer Tabale ee Cabdirixmaan Maxamed Harti  ee dagtah Gobalka bari gar ahaan Degmada Qandala,

Axmed Nuune
SBC International Boosaaso