Kulankani oo ay wada qaateen wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland iyo ururka beeraleyda gobolka Bari ayaa waxaa uu ka dhacay holka shirarka xarunta gobolka Bari ee Boosaaso,

Waxaa kulankaasi goob joog ahaa masuuliyiin sar sare oo ka kala socday Ururada beeraleyda gobolka iyo Wasaarada Beeraha Puntland oo uu horkacayay wasiirka Beeraha iyo Waraabka.

Waxaa looga hadlayay Kulankan sidii wax loogu qaban lahaa Beeraleyda gobolka Bari, waxaana halkaasi hadalo ka soo kala jeediyay masuuliyiintii halkaasi isugu timid, isagoona furay hadalka Gudoomiyaha Beeraleyda Gobolka Bari Axmed Muumin,

Waxa uu Axmed Muumin tilmaamay in si aad ah ay ugu faraxsan yihiin kulankan maanta dhexmaraya iyaga iyo masuuliyiinta wasaarada Beeraha, waxaanu war bixin ka bixiyay ururka Beeraleyda gobolka, isagoona xusay in ururku dhisan yahay mudo kooban oo laba bilood ku siman howlo badan oo ku aadan beerahana Qabtay, ayna ku baheysan yihiin guud ahaan Beeraleyda gobolka,

Sidoo kale waxaa halkaasi hadalo khiimo badan kia soo jeediyay Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha, iyo isu duwaha wasaarada ee Gobolka Bari waxayna tibaaxeen dhamaantood in ay si wada jir ah ugu hambalyeynayaan ururka beeraleyda gobolka Bari islamarkaana ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan tafaraaruqa iyo wax kasta oo ku keenaya kala daadsanaan.

Ugu dambeyntii waxaa Microphone-lagu soo wareejiyay wasiirka wasaarada beeraha iyo Waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax, waxaanu ururkan ugu hambalyeeyay sida ay isu xil qaameen isuna soo abaabuleen,

Isagoo h adalkiisa wata ayaa waxa uu ka warbixiyay safari uu ku tagay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka iyo dalalka deriska ah sida dalka Jabuuti iyo Kenya, halkaasna uu kula kulmay madaxda sar sare ee wasaarada beeraha DKMG ah ee Soomaaliya kalana hadlay xaqa ay beeraleyda Puntlnd ku leeyihiin Dowladooda dhexe .

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhowaan laga furi doono deegaanada Puntland xarun weyn oo ku aadan Daweynta beeraha taasina ay ka mid ahaayeen waxayaabihii uu kala soo hadlay dowlada Jabuuti.

Sikastaba ha ahaatee wasiirka ayaa hadlkiisa ku soo gunaanuday in waxqaqbadka Hay’adiisa dhowaan la arki doono.


Wasiirka Beeraha


Axmed Nuunoow
SBC International Garoowe