Bulshada u badan Beeraleyda ee ku dhaqan gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta dalka ayaa u dareerey tabcashada beerahooda si ay ugu abuuraan dalag ay ka munaafacaadasadaan, maadaama uu dhowaan qabtay Roobaba mahiigaan ah,

Waxaa labadii maalin ee ugu dambeysay lagu arki karay magaalooyinka waaweyn ee goboladaasi dad isugu jira Rag iyo Haween islamarkaana u badan dhalinyaro oo gacanta ku sita qalabka Beero falashada sida, Yaambada iyo waxyaabo la mid ah, kuwaas oo ku siijeeda goobaha ay ku yaaliin beerahooda.

Dadkan oo ku tiirsan dalagyada Beeraha ayaa waxyaabaha ay beertaan waxaa u badan qeybaha kala duwan ee Qudaarta, Galeyda, Digirta iyo waxyaabo kale oo tiro badan, kuwaas oo ay u iibgeeyaan qeybaha kala duwan ee dalka siiba gobolada Bariga iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mid ka mid ah odayaasha deegaan ku yaala gobolka Baay oo magaciisa ku soo gaabiyay Siidoow ayaa noo sheegay in xiliyadan beerashada Beeraha ay tahay mid ku haboon maadaama ay de’een roobabkii Guga islamarkaana ay mudantahay in laga Faaiideysto.

Sikastaba ha ahaatee qeybaha kala duwan ee dalka ayaa waxaa soo martay Abaaro baahsan oo saameyn xoogan ku yeeshay beeraha gobolada Koonfurta dalka, taas oo keentay khasaarooyin farabadan oo dadka tabcada Beeraha soogaartay.

Ma ahaan gobolada ay beeraleyda uga shaqo tagtay beerahooda gobolada Baay iyo Bakool oo keliya waxaa arintani guud ahaan ka simay beeleyda Soomaaliyeed meelkasta oo ay dalka ka joogaan maadaama ay dhowaan de’een roobabkii guga.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe.