Sida ay sheegeen dadka ku dhaqan deegaanka Xawaadley oo hoostimaada degmada Balcad ee gobolkaasi Shabeelaha dhexe askari ka tirsan ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaankaas ayaa dil bareer ah u geystay mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaas kana mid ah beeraleyda Xawaadley.

Qaar ka mid ah Ehelada ninkan la dilay ayaa sheegaya in ay ku ogaayeen beertiisa oo ku taala degmada xawaadley habeen nimadii xalay balse saaka loo sheegay in ninkaasi uu dilay mid ka mid ah Askarta ciidamada dowlada ee aagaas ku sugan.

Waxaa kale oo ay sheegeen reerkiisa ninkan in aanay garan karin sababta rasmiga ah ee loo dilay, aysanna jirin kulug lahaansho falal amaan dari ah, uusana ka tirsanaan jirin xoogagii xarakada Alshabaab ee deegaankaasi Maamulijiray.

Ma jirto cid ka tirsan Maamulka DKMG ah ee deegaankaas oo ilaa iyo iminka ka hadashay dilka loo geystay ninkan Beeraleyda ah, waxaana ay ugu baaqayaan dadka uu ka dhintay ninkan in dowladu ay talaabo ka qaado cidii ka dambeysay dilka.

SBC International Jowhar