Sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha SBC International ee gobolada Shabeelooyinka Deegaan lagu magacaabo Mayoongaale oo ka mid ah deegaamada hoos yimaada degmada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku gubtay dagaal u dhexeeya beeraley ku dhaqan deegaanadaasi.

Dagaaladan ayaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loogaga dareemay gobolkaas waxaana dadka dagaalamaya u badan yihiin beeraley waxaanu dagaalkoodu salka kuhayaa khilaafaad ka dhashay isku qabsiga dhulbeereed deegaanadaasi ku yaala.

Sida la soo warinayo waxaa ka dhashay dagaaladan khasaare dhinackasta leh, sida qaarkood beeraleyda dagaalameysa oo ku geeriyooday qaar kalena ay ku dhaawacmeyn, waxaa sidoo kale bas beelay hantidii tiilay Tuulada Mayuungaale oo goobjoogayaashu cadeynayaan in inteeda badan la gubay.

Dhulka badan ee beeraha ku caanbaxay kuna yaala gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, ma ahan dhacdooyinka ceynkan ah kuwo ku cusub, waxaana khilaafaadka ka dhaca ay u badan yihiin isku qabsiga dhulbeereedkaasi.

SBC International Jowhar