Wararka ka imanaya Degmada Ceerigaabo ayaa sheegaya in uu si toos ah u bilaabmay wada hadal nabadeed oo u dhexeeya Laba beelood oo waalo ah oo ay shaqaaqo ku dhexmaray gudaha Degmadaasi.

Suldaan Ceyduruus Saalax Ibraahim oo ka mid ah Sisimada Maamulka Soomaaliland islamarkaana ku sugan magaalada Garoowe Xarunta dowlada Puntland ayaa SBC International u xaqiijiyay in wadahadaladaasi ay si toos ah uga bilowdeen Ceerigaabo, isagoona sheegay in laba beel ay diyaar u yihiin in ay ka wada hadlaan dhibaatooyinkii dhexmaray islamarkaana ay si wada jir ah u qaataan Nabad.

Suldaanka ayaa sheegay in arintaasi ay gacan ka geysteen Isimada labada dhinac, waxaanu rajo ka muujiyay in wada hadalkaasi uu noqdo mid dhaqan gala.

Dhanka kale Suldaan Ceyduruus Saalax Ibraahim ayaa Puntland ku raacay in Soomaaliland ay ka dambeyso Hurinta Colaadaha u dhexeeya labada beel, waxaanu ugu baaqay Soomaaliland in ay faraha kala baxaan arimaha beelaha iskuna daayaan beelaha si ay u wada gaaraan heshiis .

Dhowaan ayay aheyd markii Puntland ay ku eedeysay Maamulka labaxay Soomaaliland in ay hurinayaan colaada u dhexeysa labadaasi Beelood,

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso.