Munaasabad oo ay kula kala wareegayeen Magta iyo Magdhawda Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Dhulbahante ayaa maanta waxa ay ka dhacday magaalada Qardho xarunta gobolka karkaar.

Munaasabadaasi ayaa waxaa goob joog ahaa Masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland, Isimo, waxgarad, iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirse (Cade) iyo weliba labadii bee lee kala qaadanayay Magta iyo Magdhawda.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan oo isagu ka warbixiyay Magta lakala qaadanayo iyo cadadeeda , isagoona sheegay in magtan lakala qaadanayo ay tahay wax hore u dhacay islamarkaana ay dheceen sanadadii 2001 iyo 2010, ayna mudo u fadhiyeen labada beelood ka wada hadalka labadan arin ugu dambeyntiina ay ku kala heshiiyeen .

Waxaa halkaasi maanta ku kala wareegay labadaasi beel Magatii iyo magdhawdii lagu heshiiyay, ka dib waxaa halkaasi ka hadlay labadii beel ee heshiiyay,

Nabadoon Cismaan Maxamuud oo ka tirsan Beesha Cismaan Maxamuud oo aheyd beeshii bixineysay Magta iyo weliba Magdhawga ayaa halkaasi ka sheegay in beesha kale ee wax ka qaadaneysaa ay yihiin laba beelood oo walaalo  ah islamarkaana loobaahan yahay in la sii adkeeyo walaalnimada iyo wax wada qeybsiga, waxii dhacayna ay ahaayeen dhacdo ay geysteen dad wax magarad ah.

Caaqil Maxamuud Askar Jaamac oo Isagu ka soo jeeda beesha Dhulbahante ee lagu wareejiyay Magta iyo Madhawda ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho intii ay ku sugnaayeen, isagoona intaasi ku daray in dhambaal wanaagsan ay ka qaadayaan, walalahooda gobolka Kar kaar una gudbin doonaan walaalahood kale .

Boqor Burhaan oo ah siihayaha Boqorka Daarood ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaana uu u mahad celiyay labada beelood ee magta kala qaadanayay, Isagoona ku booriyay beelaha kale ee Reer Puntland in ay sidaasi oo kale wax ku dhameystaan.

Isku soo wada duub oo Munaasabadan maanta lagu kala wareegayay  Magta iyo Magdhawda ayaa aheyd mid siweyn loo soo abaabulay islamarkaana ku soo dhamaatay jawi qurxoon oo farxad leh .

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso.