Mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa baaq ay soo saartey waxay cabasho kaga muujisay habka qaybsiga hay’adaha dawlada oo ay beeshaasi sheegtey inaan waxba laga siin hadii ay ahaan laheyd wasiir, wasiir kuxigeen, xildhibaan, agaasime ama safiir.

Cabashada beesha oo fariimaha e-mail-ka SBC lagu soo gaarsiiyey ayaa waxaa la sheegay in loo dirayo fariin gaar ah Ra’isalwasaaraha dawlada KMG Cabdiwali Maxamed Cali, waxaana qoraalkaasi oo uu SBC soo gaarsiiyey Daahir Maxamed Sheekh (Daahir Washington) uu u qornaa sidan.

Anigoo ah Daahir Maxamed Sheikh ( Dahir Washington) isla markaana ah ka mi ah Siyaasiyiinta Beesha Geri Koombe waxan Sallaan qaali ah u direeyna Somali Prime Minster Mudane Cabdi weli Maxamed Cali.

Sallan ka dib waxaansi xushmad iyo qadarin ku jirto kugu soo gudbinayaa Cabashada Beesha Geri Koombe oo ku saabsanTixgelin la,aan in mudo ah  lagu hayay beshaan taaso mar walba laga qadiyo Xilaalka Dowladda Soomaaliya sida xilaalka kala ah: Golaha wasiirada, Agaasimaayaasha guud, Ambassadorada iyo Xldhibaanada Baarlamaanka taas oo micnaheeda la garan waayay.

Mudana Prime Minister waxaa si xushmad ku jirto lagaaga codsanaya inaad wax ka qabato Cabashada Beesha geri koombe maxaa yeelay Beshaani  waxaay wax weyn  ka tabanaysa  Dowladihi Hore  ee Soomaaliya kuwaaso aan siin tixgalin iyo waxay beesha xaq u leehayd. Waxaan mar  labaad  ka codsanayna in aad wax ka qabato cabashadena, maxaa yeelay Beesha Geri Kombe waxaa lugu hayo waa Midab takoor xagga Siyaasadda taas oo ka soo horjeeddo Xaquuqda Aadanaha ( Human Rights). Ogow  Qofka Caddaalad sameeya Illaah ayaa jecel.                                           

Mahadsanid

Dahir Mohammed Sheikh (Dahir Washington)
Cell phone: 254 720849886
Email: mr.dahir@live.com
Nairobi Kenya