Kulamo  nabadeed oo ay  Beesha Cali Jibraahiil ay ku yeelatay degmada Ufayn ee Gobolka Bari  waxaan kulankaasi kasoo qaybgalay Isimo, Nabadoon Culimo awdiin Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin .

Kulanka ayaa ahaa mid muhiimadiisu ay ahayd Nabada iyo waliba sidii ay Beeshu Beelaha kale kula noolaan lahayd Nabad iyo walaaltinimo .

Intii uu kulanku socday waxaa laga Soo saaray Qodobo Muhiim u ah Nabada iyo Walaaltinimo waxaan Qodobada kamid ahaa.

1; In laraadiyo lana adkeeyo Nabadgalyada ay Beeshu la wadaagto Beelaha ay Dariska yihiin iyo guud ahaan Deegaanada Puntland.

2; Beeshu waxay diyaar utahay in ay Heshiis Nabadeed oo Dhamaystiran la qaadato Dadka Walaalo hooda ee ay Colaadu dhexmartay.

3; Beeshu waxay Baaq Nabadgelyo usoo jeedinaysaa dhamaan Beelaha walaalaha ah e Colaadu Dhexmartay ee Rer Puntland wixii dhex yaal oo dhib ahna ay ku dhamaystaan Wadahadal iyo Walaaltinimo.

4; Beeshu waxay diyaar utahay in ay ka qayb qaadato Horumarka iyo wadajirka Puntland .

5; Beeshu waxay ku Baaqaysaa in Beelaha Puntland ay ku Dhaqmaan Shareecada Islaamka wixii Khilaaf ah oo dhexmarana Xukunkiisa ay u celiyaan Kitaabka Eebbe.

Madashii Shirku Kadhacay waxaa Goob joog ahaa isimadan iyo waliba Nabadoonada.

1; Beeldaaje cali faarax maxamuud.
2; Suldaan daa,uud Faarax Maxamuud
3; Nabadoon Faarax Salaad Cubayd
4; Nabadoon Xasan Huruuse Guuleed
5; Nabadoon Ibraahim Maxamuud Ismaaciil
6; Nabadoon Liibaan Faarax Xasan
7; Nabadoon Axmad Xaaji Maxamuud
8; Nabadoon Axmad Cabdullaahi Cumar
9; Nabadoon Cabdi Yaxye Boote
10; Nabadoon Xirsi Waaberi X Nuux

Baaqan waxaa warbaahinta SBC International  soo gaarsiiyey Wasiir kuxigeenkii Hore ee Maaliayada Puntland Yaasiin Cartan Maxamad oo isagu Baaq guud u diray dhamaan Beelha Dega deegaanada Dawlada Puntland.

Wuxuu wasiirku sheegay in ay Beeshu gogol nabadeed u fidisay Beelihii ay  wax kala gaareeen Beesha  Cali Jibraahiil sidoo kale Wasiir Kuxigeenkii  Hore ee Maliayada Dawlada Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay kaxun yihiin wixii kala gaaray Beelaha walaalaha ah wuxuuna Tacsi udiray intii kudhimatay dagaaladii Labadabeelod ku dhexmaray deegaanada Gobolka Bari.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso