Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan wadanka Denmark ayaa soo gaarsiiyey SBC bayaan ay kaga hadlayaan xaaladaha amaan ee ka taagan magaalada Gaalkacyo iyagoo baaq u direy beelaha ku lugta leh colaadaasi.

BAYAAN AY SOO SAAREEN WAXGARAD JAALIYADDA PUNLAND EE DALKA DENMARK

Taariikh: 2.5.2011

 Waxaa fiidnimadii caawa shir isugu yimid xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin oo ka tirsan Jaaliyadda Reer Puntland oo ku dhaqan dalka Denmark. Shirkaas oo ka dhacay magaalada Aarhus, ayaa ujededdadiisu ahayd in baaq isugu jira boorrin, dhiirri gelin iyo talo loo diro beelaha walaalaha ah oo runtii ah “wiil iyo abtigii”,isma hurto”, wada deggen magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo cadowgood iyo shaydaan rabaan inay kaga faa’iideystaan xamaasad iyo dhiillo qabiil.

Shirka oo lagu falanqeeyey arrimo badan oo ku saabsan danaha iyo baahida dadweynaha Reer Puntland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Gaalkayo oo ay muddadaan dambe soo food saartay amni xumo. Hadafka iyo talada shirka oo laysku raacay waxaa ugu weyn in la abuuro jawi wada hadal, isku xirraan iyo wada shaqayn, si loo dhiirri geliyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo, si loo damiyo xaaladda colaadeed isla markaana wax looga qabto amni xumada baahdey oo magaalada Gaalkacyo.

Haddaba, adeerrayaal, ilma adeerrayaal, abtiyaal iyo ilma abtiyaal, waxaan idiin soo jeedinaynna:

·         Inaad nabadda dalka dadka siisaan ahmiyadda ugu horraysa uguna weyn idinkoo an u kala harin

·         Inaad isugu tanaasushaan hor ilaahay iyo mustaqbalka ubadkiinna dartood

·         In xaajada sidii daba ari loo faydo, si looga gaaro daawo iyo xal waara

·         Inaad dhowrtaan caddaaladda oo ayan marna dhicin in laga leexdo xaqa

·         Inaad dhab uga feejignaataan iskana ilaalisaan dhagarta uu idiin maleegayo cadowgiinnu

·         In la fuliyo wixii lagu heshiiyo oo ayan dhicin in meesha looga haro ama la sahlado

·         In midnimada iyo jiritaanka Puntland la ilaaliyo lana weyneeyo oo laga dhigo muqaddas

·         In wax kastoo la qabanayo lagu saleeyo diinteenna suubban

·         Inaad u hawl gashaan sidii loo heli lahaa inay wada shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo maamulku.

 Magacyada waxgaradka ka soo qayb galay shirka:

1.       Maxamed Axmed Cali    ( Ilweyn)

2.       Mahad C/laahi Axmed   (Awafcad)

3.       Saciid Cabdille Cali          (Ilweyn)

4.       Jaamac Axmed Nuur  AwMaxamed

5.       Maxamed Jaamac  Soyaan

6.       Maxamuud Khaliif Faarah

7.       Yuusuf Maxamed ( Yuusuf Dhuux)

8.       C/salaam Cali Faarax    (Askar)

9.       C/naasir C/laahi Seraar

10.   Daahir Cali Cigaal (Falaago)

11.   C/kariim Axmed Maxamuud  (Hagle)

12.   Saciid Cabdile Dahir

13.   C/rashiid Aadan Burburshe

14.   Idiris Maxamed Khalaf

15.   C/malik Maxamuud Faarax Gaas

16.   C/raxmaan Axmed Shire (Matoote)

 Faafinta: SBC Online