Dimishiq:- Madaxweynaha dalka Syria Bashaar Al-asad oo khudbad u jeedinayey golaha shacabka ayaa sheegay in Syria ay lakulmeyso isku day lagu doonayo in lagu diciifiyo maamullka, balse ay sii wadi doonto maamul wanaaga iyo horumarka.

Madaxweyne Asad ayaa intaas ku daray in aysan jirin meel loo baxsado maadaama khatarta waxa uu ugu yeeray argagaxisada ay taagan tahay, islamarkaana lagamaarmaan  tahay in la sii wado howlaha siyaasadeed ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ka qeybgalka shacabka nolosha siyaasadeed ee dalka Syria.

Asad waxa uu carababay in Syria ay waajahayso dagaal dhab ah balse shacabku uu diidan yahay faragelin dibadda ah, islamarkaana amniga qaranka uu yahay mid lama taabtaan ah.

Madaxweyne Asad oo kahadlayey xasuuqa Al-xawlah ayaa sheegay in aysan jirin ereyo qaamuuska luqadda oo muujinaya in la tilmaamo xasuuq , islamarkaana waxa uu madaxweyne Asad ku gacan seeray in ciidamdiisa ay wax xiriir ah la leeyihiin arrintaas.

Madaxweyne Asad waxa uu tilmaamay in xitaa xayawaanka duurjoogta ah aysan fadeexadaha noocaas aysan ku kicin.

Dhanka kale xukuumadda mareykanka ayaa markale ugu baaqday Russia oo ah xaliifka ugu weyn xukuumadda Dimishiq in ay ku soo biirto dadaalka loogu jiro xalinta mushkilada Syria taasi oo ku sii fideysa dalalka deriska la ah Syria gaar ahaan Lubnaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka Hillary Clinton oo xiriir teleefon la yeelatay dhigeeda dalka Russia Sergey Lafrof ayaa kala hadashay xaaladaha dalka Syria iyo saameynta ay ku yeelan karto dalalka deriska la ah.

UStaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring