Waxaa soo gaba gaboobay kulamadii Barnaamijka Kediska Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee caawa kaas oo ay SBC international ku tar tansiiso xaafadaha Deegaanada Puntland.

Caawa waxaa qeybtii hore Fooda isku daray Tartanka xaafadaha kala ah Waaberi Garoowe Vs Ex Dayaxa, Indhacad Boosaaso,

Waxaa dhexmaray labadaasi xaafadood tartan aqooneed aad u xiisobadan, waxaana uu  ugu dambeyntii ku soo dhamaaday oo ayna guushu  raacday xaafada Waaberi Garoowe, iyadoo la timi dhibco dhan 18, halka xaafada INDHACAD Boosaaso , ay la timo 4 dhibic.

Tartanka Kediska SBC ay qabato Bisha ramadaan waxa uu noqday  mid siweyn ay u xiiseeyaan uguna xisaabtamaan dhageysigiisa dadweynaha Deegaanada Puntland, waxaana habeen walba ku kulma 4 xaafadood oo min labo u wada tartama iyagoo la weydiinayo Su’aalo noocwalba leh, waxayna u kala qaataan min 8 Su’aal, halkaas oo ay ka soo baxdo Natiijada Dhibcaha ah, iyadoona 1kii Su’aal ay tahay 2 Dhibic, Hadii ay tahay mid laga faa iideysanayo ama soo dhaaftay xaafadii laheyd ay noqoneyso 1 dhibic.

 Waxaa sidoo kale Caawa Balansanaa in ay awda tartamaan xaafadaha kala ah Israac Gaalkacyo Vs Raxiis Boosaaso,

Tartankii Dhexmari lahaa Labadaasi xaafadood ayaa noqday mid qabsoomi waaya, ka dib markii xaafada Raxiis Boosaaso ay ka Sheegtay in aanay diyaar u aheyn sababo ay ku micneeyeen in aysan ku xisaabtameyn ku jiritaanka Tartanka Xaafada ay la tartamayaan ee Israac,

Arintaasi waxaa Go’aan ka qaatay Gudiga Tartan Aqooneedka Kediska bisha Ramadaan ee SBC International, Waxaana uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gudiga Sh Liibaan Mashruuc in Xaafada Israac ay Caawa halkaasi ka qaadaneyso 16 Dhibic oo ay ku heshay qaabka For fight-ka.

Waxaa sidoo kale Arinta cabashada Xaafada Raxiis ka hadlay Gudiga isagoo sheegay in Xaafada Israac oo horay ku dhawaaqday in tartanka ay ka baaqdeen kulan ay wareegii labaad la lahaayeen xaafada Xorgoble, uusan aheyn mid ay kaga bexeen tartanka Balse ay aheyd in Dhibcihii ay la heyd lagu wareejiyo xaafada kale.

Waxaa tartankani uu ka mid yahay Caawa Wareega sedaxaad ee Dhibca tiriska is reeb reebka xaafadaha .

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

      Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com