Xubnaha baarlamaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa magaalada Garowe uga furmay tababar socon doona muddo afar maalmood ah, oo ay ku baranayaan habka ay u shaqeeyaan baarlaamannada caalamka iyo dimuqraadiyadda.

Machadka National Democratic Institute ee qaabilsan taageeridda iyo xoojinta dimuqraadiyadda ayaa soo abaabulay tababarkaan, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya Midowga Yurub.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xildhibaannada Puntland ay tababarka ku baran doonaan sida ay baarlamaannada u shaqeeyaan, gudashada hawlaha la xiriira baarlaamanka iyo fulinta doodaha xilliyada baarlamaanka uu fadhiyo.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi waxa uu intaas ku daray in xubnaha baarlamaanka ee tababarka qaadanaya loo qaybiyay labo qaybood, oo midkiiba labo maalin uu qaadan doono tababarka, isagoo sheegay in tababarka uu ku soo aadday xilli 15-ka bishan uu furmi doono kal-fadhiga baarlamaanka Puntland , kaasoo looga doodi doono xisaab xirka miisaaniyadda sanadka 2011.

Machadka NDI ayaa horay tababarro kala duwan u qabtay xubnaha baarlamaanka Puntland, kuwaasoo lagu baray habka sharciyada ee baarlamaannada caalamka.

Tababarka oo socon doona muddo afar maalin ayaa waxaa ka qayb galaya dhammaan xubnaha golaha baarlamaanka ee maamulka Puntland.

Filo Sawiro Goor dhow

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe