Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe xarunta gobolka Nugaal Ahna caasimada Dowlada Puntland ayaa soo saaray cabashooyin la soo dersay oo dhanka Nolosha ah.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo maanta la hadlay Warqabadka SBC International ee caasimada Puntland Garoowe ayaa sheegay in ay heysato dhibaato dhanka nolosha ah islamarkaana ay u baahan yihiin gacan qabasho xoogleh .
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/Co1-Barakc-1nin.mp3|titles=Co1 Barakc 1nin]
Dadka Barakacayaasha ah badankood waxa ay ku jiraan guryo ka sameysan bacao iyo cooshado kale kuwaas oo aan u adkeysan karin Dhibicda Roobka oo maalmihii ugu dambeeyay ka da’ayay Magaalada Garoowe, waxaana ay qatay ugu jiraan Cuduro iyo dhibaatooyin kaga yimaada dhaxanta iyo Dhibicda Roobka .

Barakacayaasha soo saaray Cabashadan ayaa waxaa ka mid ah dad iyagu ku dhaqan Kaam lagu magacaabo Shabeele oo ku yaala magaalada Garoowe, kaas oo ku dhexyaala meel horay Tog u ahaanjirtay, iyagoona noo sheegay in ay siweyn uga cabsi qabaan dhibaatooyin ugu darsama kuwa nololeed ee haatan heysta.
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/Co1-Barakc-1inan.mp3|titles=Co1 Barakc 1inan]
Sikastaba ha ahaatee waxay dadkani codsadeen in wax loo qabto ayna indho naxariis ah ku soo eegaan Hay’adaha Samafalka, Dowlada iyo cidkasta oo ka wax dhaanta iyaga .

Ugu dambeyntii Shalay ilaa xalay waxaa gobolka oo dhan ka da’ayay Roobab Mahiigaan ah oo siweyn loogu diirsaday kuwaas oo Biyo badan dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe iyo deegaanada kale .

C/naasir Yaasiin
SBC International Garoowe.