Kooxda Bacelona ayaa caawa la gudoonsiiyey koobka Horyaalka Spain (Spanish La Liga) sanadkii sadexaad oo isku xiga, iyadoo caawa barbar dhac la gashay kooxda Deportivo La Coruna.

Xaflad aad u balaaran ayaa ka soconaysa garoonka Nou Cam ee magaalada Barcelona, waxaana si aad u faraxsan taageerayaasha kooxda Barcelona oo sanadkii sadexaad oo isku xiga hananaya Horyaalka Spain.

Barcelona waxay haatan u diyaargaroobaysaa kulanka adag ee final-ka Champion-ka iyadoo kula balansan garoonka Wembley kooxda Manchester United ee reer England oo iyaduna ku guuleystey horyaalka Ingiriiska.

Daawo Sawirada